Diyaarad Ay Leedahay Hey’ada WFB oo Sidey Raashin Wakhtigiisa Dhamaadey oo Lagu Qabtey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade

0
213

Warar aan dhawaan ka helney Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Diyaarad la sheegay in ay siday raashiin dhacay.

Diyaaradan sidey raashinka waqtigiisa dhamaadey ayaa la sheegayaa in ay leedahay hay’ada WFB isla markaana waxaa la sheegayaa in raashinkaasi uu u socdey degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

General Gaafow oo la hadley warbaahinta muqdisho ayaa isna xaqiijiyey in ay qabteen diyaarad isla markaana ay ku hayaan baaritaano.

Si kastoo loo dhigaba ma aha markii ugu horeysey ee somaliya la geeyo raashin dhacay ama daawo dhacdey arimaha wexey socdeen tan iyo intii ay burburtey dowladii dhexe ee dalka taasoo ganacsato badan ay dalka geyn jireen raashin iyo daawo dhacdey si ay uga ganacsadaan.