Kala-fadhiga sideedaad ee Baarlamaanka dowlada federaalka somaliya Kulankiisa 15-aad oo Maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho Ajandihiisu Wuxuu ahaa Qodobbo ay ka mid ahaayeen; u Codeynta Mashruuca Sharciga wax kabadalka Dastuurka, hishiiska sharci wadamada Bariga Afrika loogu dhisayo Ciidammo Gurmad ah, Akhrinta 3-aad ee sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuuriga iyo sidoo kale, Akhrinta Saddexaad ee Sharciga Xuquuqda Siyaasiyiinta.
kulankii maanta ayaa waxaa lagu balan-sanaa in cod loogu qaado wax ka badalka Qodobka 136-aad ee Dastuurka Dalka, kaasoo ka Hadalaya wax ka bedelka Dastuurka Inta lagu gudo jiro Muddo Xileedka Koowaad ee Aqalka Shacabka, Ansixinta Dastuurka kama Dambays ah.
Ma aysan dhicin in loo codeeyo wax ka badalka qodobkaas dastuuriga ah, sababa la xiriirto Tiradii Codeyn laheyd oo Kaamil noqon weysay, sidoo kale Golaha Shacabka ayaa Diiday qeyb ahaan in ay u Codeeyaan Heshiiska Sharciga Dalalka Bariga Afrika loogu sameynayo Ciidan Gurmad ah kaasi oo ay soo gudbisay wasaaradda Difaaca Somalia iga oo sabab uga dhigay in aysan sharci aheyn.
Dhanka kale, Ka sokow diidistaasi meel marinta hishiiskaasi waxaa Fadhiga Baarlamaanka laga hore Akhriyay Sharciga Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Isagoo Dooddii iyo u codeyntiisa loo dhigay maalinka sabtiga ah.
Baarlamaanka Federaalka Somalia Waxaa horyaala sharciyo dhowr ah oo lagu wado in la meel mariyo inta lagu gudo jiro kala fadhigan Sideedaad ee Baarlamaanka.
