Daawo:Waxgaradka Beesha Leysaan oo u Digey Shariif Sakiin

0
497

Kulan magalada baydhaba ay ku yeesheen maalinimadii shaley waxgarad kasoo jeeda beesha leysaan ayaa waxaa ay cambaareyn dusha uga tuureen faragelinta qaawan ee uu shariif xasan hayo golaha dhaqanka beesha leysaameed.

Waxgaradkan ku shirey magalada baydhabo ayaa waxaa ay kulankooda ka sheegeen in shariif xasan sheekh aadan uu abaabul ugu jiro sidii uu beesha leysaan ugu sameyn lahaa odey dhaqameed macmal ah ee uu rabo in uu beesha leysaameed iyo beelaha kale ee digil iyo miriflaba uu u adeegsado.

Waxgaradka ayaa sidoo kale kulankooda waxaa ay uga digeen shaqsiga lagu magacaabo Mat Edow ( Maxamed Cadow ) in uu u noqdo shariif xasan qabaan beeshiisa loogu adeegsado kala geynteeda, isku dirkeeda iyo isdilkeeda taasi oo sida muqata haatan shariif xasan u tafa xeetey.

Shaqsiga lagu magacaabo Mat Edow waxaa uu ka mid ahaa qurba joogta reer manisota isla markaasna waxaa u dhaxda shariif xasan sheekh adan walaashiis halka uu gabadhiisana qabo shaqsiga lagu magacaabo Ali Shaameey oo ah madaxa xafiiska shariif xasan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxaa uu kusoo gabagaboobey digniin ku aadan falkan guracan ee uu shariif gacanta kula jiro inuu ka joogsado intey goori goor tahay hadeyna taa dhicina in shariif xasan uu qaadi doono masuulilyada wixii ka yimaado falkiisa ee aan loo meel dayan.

Halkan ka daawo dadkii kulanka ka hadley.