Subaxnimadii hore ee Saaka ayaa lagu soo Warramayaa in Weerar culus oo dhawr jiho ah ay Xoogagga Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Halgan oo 75-km dhinaca Koonfur kaga aadan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarka oo ahaa kii ugu cuslaa oo halkaa ka dhacay tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ciidanka Dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Africa AMISOM ayeey u suurta gashay Al-shabaab in ay gudaha u galleen magaalada, kaddibna halkaa uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya xoogagga weerarka soo qaaday, Ciidanka Dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.
Is-gaarsiinta Degmada ayaa maqan, Waxaana adag in Faahfaahin dheeraad ah laga ogaado khasaaraha ka dhashay Dagaalka.
Weerarka deegaanka Halgan kaddib ayeey Al-shabaab madaafiic ah ku garaaceen degmada Buula-burte inkastoo Ciidamada Dowladda FS & kuwa AMISOM Markiiba ka Hor-tageen.
