Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Oo Soo Dhaweysey Hindise Sharciyeed Ay Shaley Baarlamaanka Meel Mariyeen

0
194

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowladda federaalka Soomaaliya  ay soo dhoweysay dhowr Hindise sharciyeedyo oo uu ka mid yahay Sharciga Xanaanada Xoolaha oo ay shaley meel mariyeen golaha baarlamaanka.

Wasiirka Xanaanada, Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyay talaabadii Baarlamaanka uu sharcigaas ku meel mariyey.

Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa sheegay in sharcigan meel marintiisa uu kusoo aaday xilli loo baahnaa  iyo in la dhiiri geliyo caafimaadka xoolaha iyo ganacsigooda.

Shalay ayaa golaha Baarlamaanka Soomaaliya kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku ansixiyeen sharciga Xanaanada Xoolaha, iyadoo ay ogolaadeen 150 mudane halka sedax mudanena ay ka aamustay.