Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee Nairobi.
Labada Madaxweyne ayaa isla Gor-feeyay Arrimaha Qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Arrimaha Amniga, is-kaashiga Dhaqaalaha, isku socodka Shacabka labada Wadan, arrimaha gobolka iyo caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Somalia ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa Xiriirka labada Dal, wax alaale wixii Caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.
Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.
Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona beri, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.
