Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Somaliya aanan lagu maxkamadeyn doonin 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Amisom, kuwaasi oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaya qalabka ciidamada Amisom ay ku howlgalaan.
Afhayeenka ciidamada Amisom Joe Kibet, oo la hadlay Idaacada Goobjoog, ayaa sheegay Askartaasi in lagu maxkamadeynaayo dalalka ay u dhasheen.
Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay Amisom iyo Dowladda Somaliya inay horay u kala saxiixdeen heshiis dhigaayay Askari kasta oo Amisom ka tirsan oo falal xatooyo sameeya in lagu maxkamadeeyo dalka uu u dhashay.
Afhayeenka Amisom ayaa muujiyay sida Saraakiisha Amisom ay uga niyad jabeen arintaan markii ay soo baxday, maadaama Askarta Amisom aanan laga fileyn inay arintaasi ku dhaqaaqaan.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Somaliya Axmed Cali Daahir ayaa horay u sheegay Kiiska Askartaan in gudaha Somaliya lagu qaadaayo, oo Hay’adaha Baarista Dowladda lagu wareejinaayo.
5 Askari oo Amisom ka tirsan iyo 10 Askari oo Somali ah ayaa u xiran dhacdada la xiriirta Xatooyada qalabka ciidanka Amisom.
