Kulan Dib u Hishiin oo Maanta Ka Furmey Magalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan

0
181

Waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Shir-weyne dib-u-hishiisiin oo ay ka qeyb-galayaan dhammaan beelaha dega gobolka Hiiraan.

Shir-weynahan oo ay goob-jooog ka ahaayeen odayaal dhaqameed, waxgarad iyo boqolaal dadweyne ah ayaa waxaa daah furay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

Waxaa shirka kasoo qeyb-galay xildibaannno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Daahir Xasan iyo Samiir Xassan C/lle oo Subaxnimadii hore ee saaka soo gaaray degmada Beledweyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Furitaankii shirka khudbad ka jeediyay ayaa yiri. ”Maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 03 bisha April, waxaan si rasmi ah uga furnay magaalada Beledweyne shir dib-u-hishiisiin ah, shirkan ma’ahaan doono mid ku eg gobolka Hiiraan oo kaliya, balse waxaa uu qorshaheenu yahay in aan u sii gudubno Soomaaliweyn, gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobollada dariska nala ah, si dib-u-hishiisiintu u noqoto mid ku baahda Soomaali oo idil” ayuu yiri Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Ugaas Xasan, ayaa dhinaca kale ugu baaqay bulshada ku nool gobolka Hiiraan in ay gacan ka geystaan siddii uu shirkan u noqon lahaa mid miro-dhala.

Xildhibaan Samiir oo hadal ka jeedisay shirka ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay iska dhaga-marisay marar badan in ay dhageysato rabitaanka bulshada ku nool gobolka Hiiraan, waxayna intaas ku dartay in Mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka bar-bar taagan yihiin shirka dib-u-hishiisiinta maanta ka furmay magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Daahir Xassan Cabdi, ayaa sheegay in shirkaan muhiimad gaar ah u leeyahay bulshada ku nool gobolka Hiiraan, isaga oo intaa ku darray in looga baahan yahay beelaha wada-taga gobolka inay ka faa’iideystaan fursadan soona af-jaraan wixii khilaafaad ah ee u dhaxeeya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda shirweynahan lagu wado inay ku soo biiraan Mas’uuliyiin ka Tirsan Baarlamaanka Somalia iyo xubno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya.