Afhayeenka Alshabab oo Markii Ugu Horeysey Ka Hadley Dagaaladii Ka Dhacay Deegaanada Puntland

0
126

Afhayeenka Al-shabaab, Sh. Cali Maxamuud Raage ayaa markii u Horreysay ka hadlay Weerarkii ay bishii hore ku qaadeen Deegaanno Puntland ka tirsan, gaar ahaan deegaanada ku yaalla xeebaha-bari ee Puntland.

Sh. Cali Dheere ayaa xusay in duullaankii Puntland ay ku qaadeen uu hadafkiisu ahaa sidii Shareecada Islaamka loo gaarsiin lahaa deegaanadaas, isagoo intaas ku daray in haddii aan cadowga laga hortegin uu dalku galayo gumeysi.

Sidoo kale Afhayeenka Al-sabaab ayaa mar kale yiri. “Mujaahidiinta waxay dagaalladaas ku bixiyeen naf iyo maal, iyagoo ALLE talo saartay, qaddarkiisana raali ku ah. Waxaana leeyahay xoogaggii duullaankaas fuliyay ALLE ha idinka Abaal-mariyo. Allaah waxaan weydiisaneynaa inuu shuhadadiina aqbalo, dhaawaciina caafiyo, kuwiina maxaabiista ahna soo badbaadiyo.”

Afhyeenka Al-shabaab ayaan marna soo hadal-qaadin khasaarihii ay la kulmeen xoogag-goodii ka dagaallamay Puntland, sida dhimashada, dhaawaca iyo weliba tirada maxaabiis ahaanta loo haysto.

Dhanka kale, Sh. Cali Dheere ugu baaqay beelaha Puntland inay wax walba oo khalad ah oo ka dhacaya joojiyaan, isagoo xusay in maamulka ay la safan yihiin uu yahay mid u adeega cadowga Islaamka.