Dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo dolarka mareykanka ayaa xukuumada federaalka waxaa ay ku wareejisey guddiga gurmadka abaaraha dalka dhaqaalahan oo loogu talo galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool deegaanada Soomaaliland in la gaarsiiyo.
guddiga gurmadka abaaraha dalka ayaa isla maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ayagoo kusii jeeda Magalada Hargeysa intii aysan bixin waxaa garoonka kula kulmey Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carta iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda sheegayna in dhaqaalahan oo horudhac ah kaalin ay ka qaadan doonaan yareynta baaxada abaaraha ka jirta gobollo kamid ah Soomaaliland.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carta ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid Allah loogu dhawaanayo oo lagu badbaadinayo dad ay isku biirsadeen biyo yari iyo cuno la’aan:”ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn madaxda Soomaaliland ayuu ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan ka hortaga abaaraha iyo badbaadinta dadka ay saameeyeen abaarahaasi.
