Amisom oo Sheegtey Iney Sarkaal Ka Tirsan Alshabab Ku Dileen Janaale

0
153

AMISOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen maanta in Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir xalay u fuliyeen deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha AMISOM ee Qaybta 1-aad, Jen, Sam Okiding ayaa xaqiijiyay in hogaamiyaha ay dileen lagu magacaabi jiray, C/rashiid Buq-dube, isagooo xusay in hawlagalkaas lagu dilay 22 xubnood oo kale oo ka tisranaa Al-shabaab oo la socday hoggaamiyahan sare.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay, in tiro kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, lagu dilay iyagana hawlgallo kale labadii maalmood ee u dambeeyay kaddib markii ay isku dayeen inay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo waday hawlo horumarin ah oo ay ka mid yihiin; dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka.

Wuxuu Jen. Sam Okidin intaas ku daray in ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay sii wadi donaan inay Al-shabaab ka saaraan deegaanada ay haystaan ee ku xeeran Janaale, si Dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Alshabaab.