Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Sheegey In Dowlada Ay Bilowdey Dagaalo Ka Dhan Ah Alshabab

0
234

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay inuu billowday duullaan looga horjeedo Al-shabaab, kaaso uu sheegay inay wadaan ciidamada xoogga Somalia iyo kuwa AMISOM.

Xasan Sheekh ayaa hadal uu ka jeediyay kulan lagu qabtay madaxtooyada ka shaaciyay in howlgalladaan ay yihiin kuwo la doonayo in Al-sabaab looga saaro deegaannada ay weli ku harsan yihiin, isagoo xusay in la maqli doono warar lagu farxo. isla markaana ay dib ka faahfaahin doonaan duulaankaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in ciidamada Hawl-galka wada ay hog-gaaminayaan saraakiil iyo mas’uuliyiin kasoo jeeda gobollada Soomaaliya. Isagoo yiri. “Ciidamada waxaa la socda dad mas’uuliyiin waa-weyn oo kasoo jeeda gobollada dalka, qaarkoodna aan Muqdisho laga dirin, waxaana ka mid ah goobaha ay duullaannadan ka billowdeen Gobollada Shabeellaha Hoose iyo weliba Jubbooyinka.”

Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in saacadihii u dambeeyay u jiheysteen deegaanno ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha Somalia, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin Al-shabaab.