Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Soo Dhaweeyey Hubkii Ay Dhawaan Qabteen Ciidanka Faransiiska ee Ku Sugan Xeebaha Somaliya

0
37

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhaweeyey dadaalka waddamada caalamka ee saaxiibka ah ay uga hortagayaan hubka sida sharci-darrada ah la isugu dayayo in la soo geliyo Soomaaliya, oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in colaad iyo xasilooni-darro dalka looga abuuro.

“Waa war lagu farxo in ciidammada dalka Faransiiska ay gacanta ku dhigeen doon sidday shixnad hub si sharci-darro ah la doonayay in waddanka la soo geliyo. Waa hubaal in hubkaas uu ku socday kooxaha qas-wadeyaasha ah.

Waxaan iyana soo dhaweeyey ciidammada Australia oo dhowaan gacanta ku dhigay shixnad kale oo hub ah oo loo soo wadey Soomaaliya’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Faransiiska iyo Australia ay gacan ka geysaneyso xasiloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqey beesha caalamka inay sii wadaan hawlgalladan looga hortagayo hubka sida sharci-darrada ah dalka ugu soo qulqulaya.