Waxaa maanta ka furmay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayo Arrimaha Somalia, sida Doorashooyinka Sannadkan la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Madaxda Maamul-goboleedyada ka jira Somalia marka laga reebo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo shirkaan ku casuunnaa laakiin kama uusan soo qayb-gelin.
Kulankan ayaa waxaa furay Madaxweynaha Turkiga Erdogan, markaas kaddibna waxaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, Waxaana Dhanka kale Shirkan Goob-joog ka ah mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Si kastaba arintu ha ahaatee kulamada looga hadlaayo arimaha somaliya ayaa waxaa ay noqdeen kulamo aan waxba kasoo bixin balse lagu qarash gareeyo malaayiin doolar wadamada ay ku tartamaan dhigista kulamadaas si ay dhaqaale uga helaan, balse waxaa la yaab leh kuwan kulmaya maalin walba goormey fahmi doonaan iney umadooda ka saaraan dhibaatada qaranimadii somaliyeedna soo celiyaan.
