Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Maanta Gaarey Degmada Baledweyne

0
148

xasanWafdi uu hogaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kol dhaweyd ka degey garoonka diyaaradaha degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kasoo dagay wafdi uu horkacayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud.

Wafdiga oo ka kooban labada gole ee Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ee Heer Gobol iyo Heer Degmo, saraakiisha ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, odayaal-dhaqameed, Waxgarad iyo Ururrada Dhallinyarada Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxay xilligaan kulan gaar ah Kula jiraan, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in kulamo Xasaasi ah ay la yeesha duubabka dhaqanka, odayasha iyo Wax-garadka Gobolka Hiiraan oo ay kala hadli doonaan Qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe.