Faahfaahin Dheeri oo kasoo Baxeysa Dagaalkii Xaley Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
134

breaking-nWarar aynu ka helney degmada afgooye ayaa sheegaya in xaley abaarihii kowda habeenimo markey aheyd in kooxda alshabab ay seddex jaho kasoo weerareen degmada afgooye seddexdaas jeho oo kala ah wadada buulo fooligyo, wadada jambaluul iyo wadada ka timaada Cumar Beere.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidanka alshabab ay gudaha magalada usoo galeen ayagoo kasoo gudbey buundada yar isla markaana weerar kusoo qaadey saldhiga degmada iyo weliba halkii ay degenaayeen masuuliyiinta degmada afgooye.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidanka alshabab ay soo dul mareen isbaaro tiiley mukiga degmada afgooye halkaasi oo ay ku qabsadeen laba gaari oo tikniko ah iyo hal gaari oo kuwa raaxada ah isla markaana waxaa la sheegey iney halkaasi ku geysteen qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wixii kaloo soo kordha dib ayaan idinkaga soo shegi doonaa saacadaha soo sacda waxaana isku deyi doonaa in aan qadka ku tiigsano gudoomiyaha degmada afgooye Cabdi qani Yusuf sida ugu dhaqsiyaha badan haduu ala idmo.