Dhegeyso:-Michael Keating oo Sheegey Inuu Taageeri Doono Go,aanada Ay Gaartey Dowlada Federaalka

0
99

Michael KeatingWakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo saxaafada kula hadlayay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha nidaamka doorashada ee dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, oo ay qabaan madaxda Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inuu ka warhayo in madaxda Soomaalida ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo soo xulayo baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan, waxaana arinta la isku hayo ay tahay qaabka lagu xulayo aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka.

Wakiilka QM ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku taageerayaan go’aankii ay gaartay ee ahaa nidaamka soo xulista baarlamaanka u dhaceyso, balse iyaga aysan dooneyn in Soomaalida ka dhaadhicyaan qaabka doorashada u dhaceyso.

Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa

Michael Keating

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Michael Keating MObil