Wararka inaga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa sheegaya in Isgoyska KM4 gaar ahaan wadada dhinaca ka marta Isbitaalka Xanaano ee halkaasi ku yaallo, inuu goor dhaweyd halkaasi ka dhacay Qarax Baabuur.
Qaraxan oo loo maleynaayo mid lagu soo xiray gaari yar oo nooca raaxada ah ayaa waxaa la socday hal ruux, waxaana isaga oo halkaasi maraya mar qura la maqlay dhawaqa gaariga oo qarxay.
Shaqsiga gaarigan wata ee la qarxiyay ayaanan ilaa hada la aqoon, waxaana dadka ay inoo xaqiijiyeen dhaawac halis ah isaga oo qaba in goobta laga qaaday.
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, gaar ahaan ciidanka Nabad Suggida oo ka agdhaw isgoyska KM4 ayaa halkaasi ku baxay oo hada ku sugan.
