Weerarkii Lagu Qaadey Xeebta Liido oo Ay Ku Dhinteen In Ka badan 25 Ruux

0
137

lidoWasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo Af-jaray Howl-galkii Xeebta LIIDO, halkaasoo ay xalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo socday muddo 10-saac ah, ayaa waxaa ku dhintay 25-ruux oo ay afar ka mid ah yihiin xoogagii weerarka ku qaaday baar Liido Sea Food, iyadoo saddex mid ah dadkan ay dhaawac ahaan ugu geeriyoodeen isbitaalka Madiina.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay weerarradaas soo abaabulay, iyaoo sidoo kalena ay hay’adda Nabadsugiddu ku sheegtay warbixin ay soo saartay in hoggaamiyaha weerarkaas la qabtay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ninka la qabtay loo haystay inuu ka dambeeyay weerar hore oo Muqdisho lagu qaaday, iyadoo magaciisa aan weli la sheegin.

Si kastaba arintu ha ahaatee weeraradan ay qaadayaan kooxda alshabab ayaa dad badan oo aan waxba galabsan ku waxyeeloobo taasoo aan ilaa iyo hada la garaneyn sababta ka dambeysa qof aan wax galabsan in la dilo.