Warar kol dhaweyd inaga soo gaarey magaalada baydhaba ayaa sheegaya in madaxweynaha dowlada federaalka somaliya uu safar aan horey loo cayimid ku tegey magalada baydhaba safarkaas oo la sheegey inuu uga qeyb geli doono caleema saarka gudomiyaha baarlamaanka maamulka shariif xasan.
Waxaa kaloo asna maata gaarey magalada baydhaba gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka somaliya prof Maxamed Osman Jawaari si uu uga qeyb qaato caleemasaarka halkaasi lagu wado inuu maanta ka dhoco.
Wararkka waxaa ay intaasi ku darayaan in ay halkaasi tageen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamul goboleedyada oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe.
Maanta ayaa la filayaa in halkaasi lagu dhaariyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulka shariif xasan Sheekhuna Maye iyo ku xigeenadiisa.
