Raysul wasaaraha dowladda Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo warbaahinta la hadlay xilli isaga iyo madaxweeynaha ay ka duuli rabeen garoonka Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in shirku soo xirmay qodobo qaar la isku afgartay, kuwa kale ee dhimanna ay dib ambaqaadi doonaan.
Raysul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo sheegi doonto xilliga la isu soo laaban doono, balse waxa uu xusay in ay jiraan qodobo la isku mari waayay.
