Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inay ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku Wajahan yihiin deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Deegaanka Ceel-cadde ayaa Jimcihii lasoo dhaafay waxaa ciidanka Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM ku Weeraray xoog Taabacsan ururka Al-shabaab, iyagoo sheegay inay ku dileen deegaankaas ku dhawaad boqol askari oo ciidamada Kenya ka tirsan.
Xukuumadda Kenya ayaa beenisay tirada Ciidanka looga dilay weerarkaas, inkastoo aysan weli sheegin khasaaraha dhismasho iyo dhaawac ee ciidankooda kasoo gaaray weerarkaas, inkastoo shalay dib loogu celiyay Nairobi Afar askari oo ku dhaawacmay weerarkaas.
Taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Gedo, Jen. Cabbaas Ibraahim Gureey oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in ay qiyaastii 6-km oo keliya u jiraan Ceel-cadde oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
