Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Village oo ku taalla guriga hooyooyinka oo kasoo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.
Qaraxan ayaan la ogeyn cid lagu bartilmaameedsanayay iyadoo goobta uu ka dhacay ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah oo halkaas ku kulma maalin walba, waxaana qaar ka mid ah wariyeyaashan ay sheegeen in ninka qaraxa fuliyay uu meel ku dhow soo fariistay, balse ay markii ay shakiyeen ay ka kala taeen, isaguna uu is-qarxiyay daqiiqado kaddib.
Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab, mana jirto wariye waxyeello ay ka soo gaartay Qaraxan.
Wariye ka mid ah kooxdii wariyeyaasha ahaa ee maqaayadda ku sugnaa ayaa u sheegay warbaahinta in ninka is-qarxiyay uu isagoo caadi ah maqaayadda soo galay uuna soo ag-fariistay, balse ay ka kala tageen, kaddibna uu si iskiis ah isu qarxiyay.
