Shariif Sakiin markuu raaracaynayey inuu Koonfur Galbeed Madaxweyne ka noqdo wuxuu umadii ehelka u ahayd ku dulmayay in Madaxweyne Musharaxa Ogost 2016 uuna ku guleysan doono laakiin sedax gobol inaan dhiso inta ka horeysa.
Hadaba siyaasad munafaqeedkii bilo kadib ayuu si cad u sheegey in Musharxnimadii ka noqdey wuxuuna ku adkeysanayaa fikirkii danihiisa keliya ka turjumayay ee ahaa Gudoomiye Baarlamaan markale uma laabaneyso ISWA ee waxaanu xooga saareynaa Madaxweyne in Shariif Maxamed Cabdulaahi uu noqdo haddaan weynana aanu ka dhigno Raysul Wasaare!
Hadaba dadka in badan hadaladiisa iyo rabitaankiisa si weyn u yaqaano waxaa hadalkaasi ay ku tilmaameen waxaa u cuntami la in talada awood qaybsiga ayaa waxaa ku wadaaga Prof. Jawaarey wuxuu rabaa isagoo ka faa’ideysanaya Dooda Hiigsiga oo markale Muqdisho ka furmi doonto, in Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh is casilaan kadibna Baarlamaanka Muddo kordhin loo sameeyo, taaso shaqsi ka tirsan Beelaha Direed Gudoomiye Baarlamaan ku garab gallo halka Madaxweyne iyo Raysulwasaare qaybtankii Hawiye iyo Darood sidiisa u socdo.!
Markaasi ayaa Shariif Sakiin sida uu qabo uu noqon doona shaqsiga DigilMirifle lagala tashado , DM-na waxaa uu gali doonaa booskii Direed, Raysulwasare ku xigeen iyo Wasiiro isaga daba fariista.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Jawaarey ayaa isna waxaa uu qabaa in DigilMirifle dabaqabasho u baahan yihiin, wuxuuna haddii muddo kordhin noqoto ama doorashoyinkii lagu balansanaa Ogost 2016 inuu shaqada Baarlamaanka ka tagayo oo uu u diyaarinayo, Wasiirka Maaliyada Maxamed Aadan Farkeeti inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ogost 2016.!
Wuxuuna ku sababeeyey dadka ka agdhowaana Warbaahinta Ishabaydhaba u shegeen in Qowmiyada ugu badan Soomaaliya ay tahay DM marka la gaaro One Man One Vote uu diyaarinayo Siyaasiyiin Aqoonyahano ka hor tagta been abuurka maalinba maaalinta xigta dib u dhac kasoo shanqara hogaanka aan xaqa u lahayn inuu hormuud ka ahaado Siyaasada.
Gudomiyaha ayaa laga maqley in guriga cusub ee uu dhawaan ka dhistay Magaalada Baydhaba usoo wareegi doono 2016 marka dowlada la dhiso isaga iyo aqoonyahano kale.
Isku soo wada duub iyadoo Xabashi Magaalada Baydhaba ay gacanta ku haysa iyo siyasada Qunyarsocodka ah ee Jawaari ,miyaa laga yabaa inuu Shariif Sakiin shaqadiisa Xawaalada ahayd dib ugu celiyo Siyaasadana ehelkeeda usheeda u dhiibo.

Maxaa Siyaasadda iyo masiirka Digil iyo Mirifle ku koobey Mirifle Keligiisa ? Digil ma Dameer mar kasta la rartaa ?
Dafeet.com ma Jawaari baa ijaartey mise waa jaho wareertey ? kkkkkkkk kkkkkkkk kkkkkkkkk.
KKKKKKK Halyeey waa suaal jirta laakiin adiga ma aragtey digilka u Taagan Masiirka, Baadi goob ayaaba loogu jiraa in la helo laakiin horaa loo waayey alah sahlo.
Waa la heli doonaa Insha Allah, horta ha soo kala haraan Tuugada Mirifle.
qofka qoraalka sooqorey ha la weydiiyo waxa idinka is weydiineysaan waayo ninkaan wax soo qoraayo kama damqanaayo digil iyo mirifle weligiisa in dadka ka dhex abuuro fitno ayuu utagan yahay weligiisana wuxuu taageeraa farkeeti ma xuma laakiin dadka wax ay fahmayaan u soo qora ee daacad ka noqda waxa aad soo qorey saan shariif waa madax weeyne la socda
Haddii aan nahay Duube Digil waa nala dulmiyey Allah hanaga bixiyo dulmigaan,wax Digil ku abtirsan karo Somaaliya keligey ayaa ka jooga mhd
Comments are closed.