Beel weynta Biyamaal iyo Habar Gidir oo Maanta Mar Kale Fooda Isku darey Gudaha Degmada Marka

1
259

MarkaWararka aan ka heleyno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaayo inay Rasaas ka soconeyso guriga ay magaalada Marka ka degan tahay hay’ad Swisso Kalmo ciidanka beesha habar gidir ee ku sugan degmada marka.

Wararka horudhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegayo inuu dagaalka bilowday kadib markii ciidanka Habargidir ay rasaas ku soo fureen ciidamo ka tirsan maamulka degmada Marka oo howlahooda watay.

Weli lama hayo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkan weli waxaa halkaasi ka socda rasaastii ay is weydaarsanayeen ciidanka degmada iyo kooxada xooga ku jooga degmada.

Dadka ku dhaqanka degmada Marka ayaa in mudo ahba ka cabanayey hay’adan la magac baxdey Swisso Kalmo iyadoo dadka ay sheegeen in laga soo toogto dhismaha swisso kalmo halkaaska ay qoryo u saaran yihiin kooxahan kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka somaliya.

1 COMMENT

  1. reer shabeelada hoose is walaalsacada is higsida wa shey muhiim ah iskuna gar gaara dhibka wahaa soo dhawaadey wakhtigi aad haqiina heli leheydeen kuwan gobolada dhehe ka imaadey dhulkaas wey baneyn doonaan insha alaah wahaa hada ka socota marko sheekadii rra oo kale hadii mar kasto hal koo qof laga dilo kuwan laga tirade badan yahay oo gobolo fog fog ka imaadey marka danbo wahaa dhici doonto dadka dhulka leh oo dhan hortan kuwan marti ahaan ku imaadey dhulkeyna hadana na laaynaayo meel kasto isbaarada dhigtey aan iska kicino aa imaan dona insha alaah ee fadhiga ka kaca wsc

Comments are closed.