Ciidanka Dowlada Iyo Alshabab oo Xaley Ku Dagaalamey Deegaanka Lafoole ee Degmada Afgooye

0
286

DagaalDagaal u dhexeysay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabadsugidda ayaa xalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo iska-horimaadkan uu yimid kaddib markii la weeraray saldhig ciidan.

Xoogagga taabacsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerareen saldhigay ciidamada sirdoonka dowladda Somalia ku lahaayeen xaruntii agoonta deegaanka Lafoole, halkaaas saldhig ay ku leeyihiin ciidamada dowladda Somalia.

Goob-joogayaal ku sugan Lafoole ayaa u sheegay in hub kala duwan ay labada dhinac isku adeegsadeen, isla markaana uu jiro khasaare labada dhinac soo gaaray, balse aan la sheegin karin tiradiisa.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaan illaa hadda ka hadlin weerarka ay xoogaggeedu ku qaadeen xalay saldhiga ciidamada ee ku yaalla deegaanka Lafoole oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.