Kadib kolkii Daafeet.com ay soo bandhigtay xaqiiqda dhabta ah ee Hay’adaha Samafalka maxaliga ah ee ka howlgala degmada Wanlaweyn iyo waxqabad-dardooda ayaa waxaa durbaba soo baxaya Shaqsiyaad ku sifoobay Dhaca,Boobka,Isdabamarinta iyo Lunsashada deeqaha Samafalka ee loogu tala galay Shacabka u baahan ee ku nool degmada Wanlaweyn oo weli kusii indha cad inay sii wadaan falkoodan guracan ee Aduun iyo Aakhira seegba leh.
Shakhsiyaadkan ayaa waxaan ka xusi karnaa ninka lagu magacaabo Xasan Maxamed Macow oo isaga u taagan fududeynta howlaha lagu xalaalaysanayo dhaca adeegyada Samafaleed ee loogu soo deeqo dadka degan degmada Wanlaweyn.
Shaqsigan oo ku guul dareystay inuu ALLAH uga cabsado ummadiisa ugu yaraana uu ka maagay inuu khaladkiisa ka laabto ayaa waxa uu eedayn aan loo meel dayan kula dul dhacay Webside-yada uu tuhmaayo inay soo bandhigeen dhibta uu dadkan masaakiinta ah uu ku hayo,Sidaa si lamid ahna ku eedeeyay inay Diintoodu gateen isagoo wax daliil ahna aanu u hayn waxa uu sheegayo,Bal nala dhegaysta danbiilahan ummadda raba sidii uu u dhacay gargaarkii loogu talagalay oo kale hadana rabo inuu Caqliga iyo Indhaba xiro si damaciisa Shaydaaniga ahi uga sii fushado.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilklada
Xasan Maxamed Macow Oo ah ruuxan eedaysanaha ah oo welina kusii Indha adag inuu ummadda sidii Shilinta uu dhiigooda u sii jaqo ayaa ah mid dadka marwalba Shaar cusub u soo gashta si uu u dhaco isagoo beryahan dadka ugu munaafuqeeya xirashada dharka Sunada Nabi Maxamed(NNK) Balse Daafeet.com waxaa ka go’an oo aan ku wargelinaynaa Xasan Maxamed Macow iyo Kooxda Daba socotee gadaal ka riixayso in aan ummadda gaarsiin doono dhamaan dhibta ay ku hayaan kooxdan dhiigmiiratada ah ugu danbayna lagu maxkamadayn doono danbiga ay ka galeen ummadda,Iyadoo tii aakhirana ahaan doonta tu aan laga meermeeri doonin.



Subxaana laah ileyn dadka ma xishoodaan odeygaan rug cadaaga ah ee intaan la eg maxaa ku kalifey in uu abaabulo been intaan la,eg mise wuxuu moodaa dadka ineysan la socon waxa uu qoro webka dembi waxaa ugu weyn in qof lagu eedeeyo wuxuusan eheyn hadii aad wax walaaqateen oo lasoo bandhigey ma meeshaas ayaa umada lala tagaa yaa alaah yaa la aaminaa mar hadii odayaashii saan yihiin somaliya ilaahaa u maqan.
aniga odeygan waha oow dhahaayo lama yaabani lakin asoo sida u hadlaayo oo hadana somaliya nabad ku maraayo Ayaan la yaabanahay inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun aniga ahaan yurub gaar ahaan ingiriiska aan ku arkey misaajid la dhisaayo oo muslimka dhan lacagta laga aruurinaayo ha dhahowna la leeyahay masjidki qabiil hebel oo lacagti dadka laga aruuriyey ayey ciyaalkoda siiyan oo haaran iyo halaal uma kala soocana haaranta wa lagu degaalama ayaga oo wadaado sheeganaayo ayey misaajidadii ku degaalaman ka dib misaajid aa ka soo horjeetkisa lagag dhisaa la leeyahay lacag kale aa la aruurinaa ingiriska misaajidaha somalida waa badan yihiin hal wadaat oo toosan oo si daacatnimo diinta dadka uGu sheegana ma lahan lakin wahaa arkeysaa haafad somali degan tahay oo 10 misaajid ku taalo masjid kastana la leeyahay reer hebel aa dhistey hadaa isku deydo in aad isku keento dhahdo war ilaah ka baqa oo ciyaalki aa duurka naga galay aan soo celino oo ciyaalki gaalo raac ayey naga naqdeen hadaa dhahdo adaa baxar ku jiro oo dowlada ayey u tagayaan wahey dhahaan ninkaan shabaab oow hariir la leeyahay asoo wadaat iska dhigaayey ayow hadana rufiyaan yahay wah kasto aa ka suurooba waha ay wataan diin ma ahan…
hada bal fiiriya ninkan daafeet media waha jiro unbey sheegtey wahow yiri diin gaalo ayey baafinayaan ma denbi ka weyn baa Jira ilaah aa niigu dhaariyey wahow ku hadlaayo wah la dhegeysto ma istaahilo dhegeysashadiisaba denbi ah saan aamin sanahay aniga koley ma dhegeysan qoraalka aan akhriyey ee walaaliyaal aan gacmaha is qabsano waan aragney hadii haaran hor mar lagu gaarayo dadka ku jiro meesha ay jogaan aan aragna iyo meesha hun ay u danbeeyan ciyaalkoda marka aan gacamaha is qabsano reer digil iyo mirifle iyo halaal quudatadeyna ee biimaal iyo jareer weyn iyo reer hamarkeyna sidaa aa dhihi lahaa aniga mid reerbanaadiriga idinkana naga dhaaf mukulaasha aad hoosta ka wadataan wah la aamini karo ma ahan mukulaashaas ogaada wa mas laba af leh ayada oo niila jirto ayey nii qabiine sidaa ogaada wsc
odaygan haddii saxaafada kashiftay in uu jeebka ku shubto wixii dadka masaakiinta loogu dhiibo, muu iska aamuuso. dad badan ayaa wax laga sheegay, asiga maxaa ka qaylada ka keeney? waa yaabka adduunka… tuhunka oo ku tuhmay webka daafeed hanoo cadeeyo.anaga ma aragto beebal may lagu heyaysiiyo? mise dadka wuxu u malay inay wax aqrin, taaas waa gaf weyn uu ka galaayo dadka daafeed oo dhan.
odayga maxaa wax la iiga sheegay darteeda ayuu webka ugu been abuurtay. waa yaabka adduunka. odeey xishoonin, weli wuxuu rabaa in dadka qurbo joogta galdo. lakin asiga ayaa khadka ka bixi doono. been ninkeda sumcad ma yeesho.
beeen abuur weyn iga dhex. waa aakhiro samaan, odoyaasha oo aan xishoonin. afkaa juuqda i gabay.
Marka hore wey ku mahadsan yihin Wabsedka Dafet.com!! Warbixinka dhabta ay ka qoren dhiig miiratada Daafet isku baheysatey, Waxan ku boorin laha iney si wadan dawagalka ay ku hayaan dadka dhaca masakinta xoolaha loogu tala galey iney siyaabon kale duwan iney ku dhacan way badan yihin. Odeyga mesha ka hadlayo kaligi ma ahan wey so hadli doonan kuwa dhiman wey kala darrin yihin. waana la wada yaqana. Hadan Odeyga hadalkisa u so laabta mark hore qalad weyn ayuu waxa u ka galey dhamaan rer Daafeet . waayo wuxu ku sheegey rer daafet webkoda inu diinta masiixiga lagu faafiyo. Taasi sax ma ahan waa la socona waxa u qorey webka Daafet. Muxu hadalkaasi ka keney ayaad is leedihin ? Waa cadahay waayo. Webka maalmo ka horey ayuu waxa u qorey in ay jiraan shagsiyaad magaca reer dafet rabaan iney lacag ku carursada o dadka u shaagen iney dhisayan isbitaal waa shabakad ayey dhehen dadkaasi qof ma sheegen iyaga Odeyga waxa ka so hadalsiiya waa u wada jeedan jawabto.
KK waa yaab amar ilaahey
Odeyga Weysada ayaa ka jabtey ma is tiri aba waayo wax fiican kuma hadlin, Daafet.com waxey sheegen in ay jiran group ku bohobey dhicida xolaha masakinta. dadkanauga digen iney wax ku darsadan groupkas- Marka isaga ayaa isku cadeyey inu ku jiro lolz waayo Hadalkisa ayaa laga garan kara anaga carur ma nihin. Mida kale webka wuxu qoro waa la socona wana ku xiranahay. Odeyga wuxu u gafey Magaca shanta calemo. Waxa ku borina laha Daafet.com dad badan ayaa jiro Keena banan bulshada tuso si ay uga tashtan
Odeyga caadi ma ahan .wxaa is waydiin mudan ninkaan maxaa ka keeney hadalkaan saan u qaab daran haddii asaga aan wax ku jirin.
Horeybaa loo yiri far iyo meel bugtaa is og
ASC BACDU SALAAM DADKAAN WAXAY UBAAHANYIHIIN QAWASHO XOOGAN MA,AHA WEBSAYT WAX LAGU QORO AMA WAXYAALO LAMID AH WAXAY HAAYAAN DHIBAATO AAD UWAYN WAXY SAMAYSTEEN GURUUB LAMAGAC BAXAY AQYAARTA REER DAAFEED LOOGUNA TALAGALAY IN LAGU MARIN HAWAAWIYO MASAAKIINTA JILBAYSAN EE QURBA JOOGTA AH IN WAXODA LAGU CUNO ODAYGA KALIGIS MA,AHA WAXAA LASOCDAAN ODOYAAL KALE OO HORE U MIIRTAY DHIIGA WALAALAHA SHANTA CALEEMOOD WAADNA KUMAHADSANTIHIIN INAAD XAQIIQDA AAD SOO BANDHIGTAAN WAANA IDIN SALAAMAYAA
asc waa idinsalaamay salaam kabacdi walaalayaaloow waxaad noo sheegteen wax anaga aan ogayn lacagteena Ayaan ceel ku shubi lahayn balanqaadyo Ayaan samaynay laakin waa kala noqonay ninkaan iyo guruubkiisaba koleey umad xalaal ah wadankeena wax u qabta ala hanoo keeno
asc waa salaamantihii sida aniga ila tahay waxaan u maleynaa in been abuur tahay meesha waxa lugu soo qorey hal qof soo qoroohaayo ee isku xishoow
kkkkk alow umada xaqa tus maxaa been laga sheegaa asagaba hadalayee mamise waa kula ahaan weydey keligaa ma aha aniga xataa waa ila ilaan weydey qofweyn oo intaas oo been ah is daba dhigey subxaana laah
Comments are closed.