Hogaamiyaha Raaskambooni oo Difaaceya Xadgudubka Kenya Ay Ku Heyso Dalka Somaliya

0
269

Axmed-MadoobeHogaamiyaha raaskambooni , Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay qorshaha dalka Kenya ay ku doonayso inay kaga dhisto darbiga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in ciidamada Kenya aysan u soo gelin Somalia inay dhul Soomaaliyeed qaataan.

Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in Kenya ay mudan tahay in looga mahad-celiyo howlgalladii ay ciidamadeedu ka sameeyeen Soomaaliya iyo marti-gelinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, balse aysan ahayn in la eedeeyo.

Sidoo kale, hogaamiyaha raaskaambooni ayaa xusay in loo baahan yahay in guddi xaqiiqo-raadin ah arrintan loo diro, si loo xaqiijiyo. Wuxuuna xusay inaanay sax ahayn in la lumiyo masaalixda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hogaamiyaha raaskambooni ayaa hoosta ka xariiqay in ammaanka Somalia uu Kenya amnigeeda ku jiro, isla markaana aanay jirin wax taas ka duwan oo ay Kenya u joogto Somalia.

Si kastaba ha haaatee, hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli aad loo hadal-hayo darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka ay Somalia iyo Kenya wadaagaan, iyadoo isla maanta uu baarlamaanku ka doodayo arrinta darbiga.