Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Hishiiska Dhinaca Caafimaad ee Somaliya Iyo Turkiga

0
156

golaha wasiradaGolaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay heshiis u dhexeeya dawladaha Somalia iyo Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka caafimaadka labada dal.

Wasiiradda caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa golaha wasiirada hor-keentay heshiis u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Turkiga kaasoo la xiriira wada-shaqeynta dhanka caafimaadka, iyadoo goluhu dood dheer kaddib ay si rasmi ah u ansixiyeen heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha caafimaadka Somalia, iyadoo lagu salaynayo sinnaan iyo is-dhaafsi kaalmo, lana waafajinayo faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada waddan.

Sidoo kale ayaa Xubnaha golaha wasiirrada Somalia warbixin ka dhageystay wasaaradaha amniga iyo difaaca, kuwaasoo ka warbixiyay amaanka guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo dilal qorshaysan oo isbuucii la soo dhaafay ka fuliyeen Muqdisho.