Wariyeyaasha Soomaalida oo hanjabaab kala kulmo Alshabaab

0
248

Inta badan wariyeyaasha Soomaalida ee ka howlgala magaada Muqdisho ayaa tacaddiyo kala duwan la kulma, haddii ay noqon laheyd dhinaca dowladda oo xarig u geysata iyo maleehsiyada Alshabaab oo ugu hanjaba dil.

Bishii hore ee October waxaa ka billowday radio banaadir barnaamij lagu magacaabayay “Ha dilin wariyaha” oo uu daadihinayay.

Wariye Cumar Xasan Khayre oo si badax bannaan ula shaqeeya warbaahinta daafeet.com kaasoo la joojiyay kadib markii wariyeyaashii barnaamijka ay Alshabaab kala kulmeen hanjabaad ku aaddan inay dili doonaan.

Haddaba Wariye Cumar Cumar Xasan Khayre ayaa daafeet.com u sheegay in sababta uu barnaamijka u joojiyay ay aheyd inuu u baqay nafsaddiisa kadib markii loosoo diray farriimo hanjabaad ah islamarkaana warqad qoraal ah oo loogu hanjabayo in la dili doono loogu dex tuuray gurigiisa.

Cumar ayaa xusay in wixii markaasi ka horreeyay ee uu la shaqeynayay warbaahita qeybaheeda kala duwan uusan la kulman hanjabaad

Sababta keentay in hanjabaad uu kala kulmo Alshabaab ayuu ku sheegay in barnaamijkiisii ha dilin wariyaha oo ku wareysan jiray suxufiyiin horey dhibaato kala kulmay Alshabaab iyo ehellada wareyayaal ay horey Alshabaab u dileen.

Wuxuu xusay inuu garwaaqsaday inuusan sii wadi karin barnaamijka, maadaama uusan heysan damaanqaad rasmi ah oo ku aaddan dhinaca amnigiisa, islamarkaana uu ku fikirayo sidii uu dalka isaga bixi lahaa.

Sidoo kale wariyeyaal badan oo dhibaatooyin ay hanjabaad kamid tahay kala kulmay Alshabaab ayaa u cararay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasoo dib joog ku ah dalkaasi.

Hay’adaha Qarramada Midoobay iyo kuwa u dooda xuquuqda suxufiyiinta ay inbadan ka hadlay qataraha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaalida.