Shariif Xasan iyo Suldaan Cusmaan oo dhaxal tiray reer Geledi.

7
477

dhaxalMadaxweynaha waxa loogu yeero maamulka KoonfurGalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan(Shariif Sakiin) oo mudooyinkii lasoo dhaafay wareegtooyin kala gedisan ku soo magacaabay xubnaha maamulka degmada Afgooye ayaa waxaa laga dheehan karaa in Shariif Sakiin uu u rumeeyay riyadii beelaha dhul boobka Hawiyeba ha u horeeyee halka uu rajabeel ku riday dadka asal ahaan deegaanka iska leh ee Geledi.

Talaabadan uu qaaday Shariif Sakiin oo uu ku magacaabay shakhsiyaad aan xitaa dhulka ku dhalan ayaa waxay qayb ka tahay abaal celin uu Shariif u abaal celinaayo madaxda Hawiye kadib kolkii ay uga hiiliyeen madaxdii maamulka Lixda gobol kuna taageereen kala goynta dhulka Digil iyo Mirifle.

Guud ahaan shakhsiyaadkan uu Shariif u magacaabay maamulka degmada Afgooye ayaa ah mid uu ogolaansho kaga heysto Suldaanka guud ee beesha Geledi Suldaan Cusmaan Axmed Cabdi oo isagu siiyay Shariif ogolaansho ku aadan inuu magacaabo cidii uu doono.
Sida kaaga muuqan doonta shaxdan maamulka loogu sameeyay degmada Afgooye ayaa waxay bilow u tahay Damac mudo badan abaabulkiisu socday oo ay qabeen Hawiyaha kuna aadanaa in gobolka Shabeelaha hoose loo kala qaybiyo laba gobol oo mid Hawiye yeelanaayo iyo midka kalena ay Digilku yeelanayaan.

Fikradan guracan ee ay Hawiyuhu qabaan ayaa waxaa asaas u ah in degmooyinka Afgooye,Wanlaweyn,Marko iyo Baraawe inay gobol noqdaan looguna yeero Deexda halka Awdheegle,Qoryooleey,Kurtunwaareey iyo Sablaana ay doonayaan inay gobol noqdaan misna loogu yeero Dhoobeey sidaasina uu ku dhamaado magaca Shabeelaha hoose laguna qaybsado.

Hadaba waxaa muuqda oo aan daah saarnayn in fikirkaasi haatan uu xunbaarsan yahay Shariif fulintiisa loo soo wakiishay isagoo weliba kaashanaya Suldaanka beesha Geledi Suldaan Cismaan kaashana doono qaar kale.

Waa tan Shaxda maamulka degmada Afgooye ee uu dhisay Shariif Xasan isagoo ogolaanshana ka haysta Suldaan Cusmaan Axmed Cabdi Suldaanka beesha Geledi

 

Dagmada Afgooye

Maamulka sare ee dagmada Afgooye

 

L MAGACA XILKA QABIILKA LAFTA UU KA YAHAY
1 CABDIQANI YUUSUF AXMAED GUDOOMIYE AHNA DUQA MAGAALADA DIGIL GALADI GOOBROON
2 YUUSUF MAXAMED MOORDOW G/KAMNIGA IYO DIB U DHISKA HAWIYE WACDAAN CISMAAN
3 CABDULAAHI XASAN CABDI TOOGANE G/KARIMAHA BULSHADA HAWIYE MURUSADE
4 CUMAR MAXAMED  CUSMAAN MACALOW G/K DHAQAALAHA DIGIL GARRE
5 MAXAMED MAXAMUUD JEEMIS G/K SIYAASADA HAWIYE WADALAAN

 

DOWLADA HOOSE  EE DEGMADA AFGOYE

 

L MAGACA XILKA QABIILKA LAFTA UU KA YAHAY
1 Saciid maxamed faarax Agaasimaha maamulka iyo maaliyada Daarood Warsangali
2 Xasan cali kaariye Agaasimaha canshuuraha Habar gidir Cayr
3 Maxamed cilmi axmed Xisaabiyaha dowlada hoosev Hawiye Dudublle
4 Abuukar maxamuud cali Agaasimaha waaxda dhulka Silcis Gorgaate
5 Abuukar axmed xalane Taliyaha ilaalad deegaanka Hawiye Murusade
6 Xasan macalin isaaq Taliye xigeen ilaalada deegaanka Daarood Mariixaan
7 Cabdi caziiz nuur shube Baloog haye dowlada hoose Daarood Ogaadeen
8 Cumar faray Xoghaye d/hoose Abgaal Warsan gili

 

SAMAFALKA DEGMADA

SHARIIF QALAAFE SAMAFALKA DAGMAD HAWIYE HABAR GIDIR CAYR

 

AMNIGA DEGMADA AFGOOYE

L MGACA XILKA QABIILKA LAFTA UU KA YAHAY
1 AAMIN MAD DARUUR TALIYAHA SALDHIGA BOOLISKA RAXWAYN HARIIN
2 CABDULAAHI XAAJI TALIYE XIGEEN SALDHIGA HAWIYE ABGAAL
3 SAALAX AXMEED MAAMA TALIYAHA NABAD SUGIDA GALADI ODAWEYN
4 IIDOW TALIYE XIGEEN NABAD SUGIDA ABGAAL WARSAN GILI

Lasoco Daafeet.com si aad u ogaato xaqiiqda ka jirta dhulkaaga ee lagaa qarinaayo!Kolka la isku soo hooriyo Shaxdan maamul ee uu Shariif Sakiin u sameeyay degmada Afgooye iyo Suldaanka beesha Gelidi ku waafaqay ayaa waxay u muuqataa talaabada koowaad ee hibaynta gobolka loo hibaynayo Hawiye.

7 COMMENTS

  1. Shariif waa tuug dantiisa wato laakiin Suldaan Cusmaan masoo waashay mise lacag badan ayuu qaatay? Tan waa huradada ka kaca ee aaway Beesha Geledi oo ahayd Suldaankii Digil una soo halgami jirtay dhulkooda

  2. Cadeefada dadka ka daaya xaqiiqd hadeer meesha aan ku noolahay waxaa xukumo dad diin ahaantodo gaalo ah oo galo madoob ka sii ah dadna ka ah xabashe dalna ka ah Ethiopia oo aad &aad loo yaqqaan taareekhda labada dal cidna aan daah ka saarniin war kuwaas aad sheegeeysaan marka 1aad waa dad ahaan waa soomaali diin ahaan waa muslim dal ahaan waa soomali sidaa daraadeed 3jeer baad dhalateen marka 1aad qufka muslimka wadan makala laha qufka soomaliga waa sidoo kale war afrika oo mid ah baa la raadinayaa inaga daaya cadiifada aad &aad bey uleedataa oo qeebi oo xukuntii gumeestihii baad hergelineysaan ka daaya dayarta cadiifada bara soomalia waa jamhuuriyad mid ah cirifka jabuut &ilaa diri dhawe &ilaa mambasa&cirifka bada cas ilaa &bada hindiya ubadka usheega dhulkaass aan soo sheegay oo afrika ugu weeyn in eey leeyihiin oo caalamka stat yada ugu waa ween baan ka 4 aad ka naha islaamaka&carabtana aabe&hooyoba anagaa u ah cadow baa ina helo cad cad inaga dhegoo inoo qoori waayiy intaass usheega ubadkiina idinkuna iska daaya cadeefad eega meeshaan idin tusaayo ha ilaawina intaass in aad leedihii cadaw idin heliy ,

  3. shariifka reer afgooye iyo walaweyn lees ka adag yahay, muxuu ugu sameyn wayay reer marka, ishiisa la arkaa ushiisa lagu tumaa

  4. marka hore dhammaan shaqaalaha Daafeet.com waa salaamayaa sida aad ula socotaan dhaqdhaqaaqa u sameynayo shariif sakiin waan idin ku mahad cilinayaa noo soo gudbinta wararka aniga waxaa leeyahay arintaan socon meyso in aan dad deegaanka aan u dhalan loo magacaabo arintaas sura gali mayso marka waxaan uga baaqayaa dadka degan shabeelaha hoose war fadhiga kakacaa oo ilaashada dhulkiina waad ujeedaan sida dhulkiiina loo soo duulayaa maxaad ufadhisiiin ooo Tashada

  5. marka hore shaqaalaha shabakada daafeet waan idin salaamayaa aniga waxaa loo yahay dadka digan shabeelaha hoose war hurdada kakacaa war dhulkiina ilaashada

  6. su aal aan fahmi waayey qabiil ka mid ah
    silcis gorgaate qoomiyad nagu cusub miyaa mise qabiil nagu cusub koley wali ma maqlin waa ii dhiman yahay magacaas mise dir waaiye silciskan la sheegayo yaab aragney

    shariif sakiin in oowsan kheer usoo wadin shabeelada hoose waa la ogyahay sababta aan ku ogaaney wah kale ma ahan digil qofka aan wahba u qabaneynin oo dhibkooda ka taliya ama dilaayo ayey u sacba tumaan sow ma ogidiin shariif sakiin dadka u doodaayey in digil nambar one ay ahaayen wahaan hasuusta hadaladii ali baaba oow uGu doodayey shariif sakiin ilaa hada dhegteyda kama bihin waa la yaabana digil oo shariif sakiin taagersan hawiye dhulkina in oow qaato ayow rabaa dadka dhulka leh ee digilna laayo hal ka reebin lakin shariifka dadka in oow beecgeeyo ayow rabaa dhul waa gatey mahaa u dhiman dadka aw digil iyo mirifle aa u dhiman taasna waa sugoyna intiiba la aamusanyahay waa imaane aan iska sugno ama aan talaabo qaatno oo tashano wsc

Comments are closed.