Baarlamaanka Puntland oo maalmahan diyaar-garow xooggan ugu jiray doorashada gudoomiyahooda cusub ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Garowe ku doortay Axmed Cali Xaashi oo noqon doona gudoomiyaha cusub ee barlamaanka maaamulka Puntland.
Waxaa xilka kula loolamay xildhibaan C/xakiin Dhoobo-Dareed, waxaana guddoomiyaha la doortay uu helay codad dhan 41- oo kamid ah codadka mudanayaasha baarlamaanka PL halka musharaxa isna la tartamayay uu helay codad dhan 22 cod.
Gudoomiyaha cusub oo hadal kooban jeediyay doorashada ka dib ayaa u mahad-celiyay xildhibaanada codadkooda siiyay ,waxaana uu sheegay in uu shaqadiisa si hufan u gudan doono ,isaga oo balan-qaaday in uu ka shaqayn doono horumarinta arimaha barlamaanka.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha cusub ayaa horey u soo noqday hogaanka barlamaanka Puntland intii u dhaxaysay 2005-tii ilaa 2009-kii ,waana markii labaad oo uu xilkan ku guulaysato ,iyadoo xildhibaanno warbaahinta la hadlay ay sheegeen in in mas’uulkan cusub uu howshan khibrad u leeyahay.
