Webiga shabeele ayaa maalmahanba waxaa uu cabsi ku hayey shacabka degmada afgooye ayagoo ka cabsi qaba in uu kusoo fataho.
Si looga hor tago arintaas ayaa waxaa xil iska saarey ururka dhalinyarada degmada afgooye isaga oo kaashana qeybaha kala gedisan ee ururada bulshada ee degmada afgooye sida Odayaasha, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo dhalinyada wexeyna bilaabeen in jawaano ay kasoo buuxiyaan caro si ay uga gaashaantaan fatahaada.
Arintan ay ku dhaqaadeen dhalinyarada degmada ayaa waxaa ay dhiiro gelineysaa in shaqacabka ku dhaqan degmada ay u istaagaan in deegaakooda ay ka samata bixiyaan fatahaada iskuna duubnaadaan si ay wax uga bedelaan dhibaatada ka taagan degmada.
Gudoomiyaha ururuka dhalinyarada degmada afgooye saciid xasan oo goobta ka hadley gabagabadii shaqadii ay meesha ka hayeen ayaa ugu mahadceliyaye dhamaan dadkii ka qeyb qaatey howsha wuxuuna ku booriyey in mustaqbalkana ay sidaasi isugu duubnaadaan.
si kastaba arintu ha aheetee degmada afgooye ayaa ah degmo dhaqaalihii soo galo inta aysan qoraxda dhicin qeybna ay qaateen maamulka shariif hasan qeybta soo harteyna ay suuqa ku qeybsadaan kuuxaha kasoo kicitamey gobolada dhexe ee dalka somaliya taasoo keeni karta in maamulka uusan awood u laheyn in uu ka xakameeyo dhibaatooyinka baahsan ee ka jira degmada



