Beryahanba waxaan ku howlaneyn in aan soo bandhigno arimaha la xiriira waxqabadka hey’adaha maxaliga ah ee ka howl gala degmada wanleweyn taaasoo aan isbuucyadii lasoo dhaafey diirada ku saarney intii aynu ku guda jirney xooraanka waxqabadka hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala degmada wanleweyn ayaa waxaa noosoo ifbaxaya kooxo raba iney ku adeegtaan magaca degmada isla markaana raba iney lacago ka gurtaan qurbo joogta degmada wanleweyn ee ku dhaqan daafaha dunida.
Kooxahan ayaa dabagal ay warbaahinta daafeed media ku sameysey waxaa ay soo ogaatey in mudo haatan laga joogo ku dhawaad 3 sano ay lacag ay ka ururiyeen jaaliyada degmada wanleweyn ee ku dhaqan dalka sacuudiga aan la ogeyn ilaa iyo hada halka ay martey taasoo ay abaabulkeeda lahaayeen qaar ka tirsan jaaliyada degmada wanleweyn ee ku dhaqan dalka ingiriiska.
Kooxdan ku dhaqan dalka ingiriiska iyo qaar kaloo ay isla shaqeystaan oo ku sugan gudaha dalka ayaa 3 sano ka dib waxaa ay soo rogaal celiyeen howlihii ay horey lacagta badan ugu lunsadeen jaaliyadaha dibada ku nool ee kasoo jeeda degmada wanleweyn ayagoo hadana sheegaya in ay ururinayaan lacag la sheegey in la rabo in lagu dhiso isbitaal ayagoo aan weli sheegin halkii ay martey tii hore.
Daba galkii aan ku wadney hay’adaha ka shaqeeya degmada wabnle weyn ayaa waxaa kasoo inooga soo ifbaxay dad gacan saar la leh kooxahan sheegaya iney isbitaal ka dhisayaan degmada balse waxaa u baahan in suaal la iska weydiiyo amaanada iyo howl qabadka shaqsiyaaska gudigaasi ku jira ayadoo aan ka warheyno qaar ka mid ah shaqsiyaadka gudiga ku jiro iney yihiin kuwo horey u lunsadey hanti kala gedisanoo loogu tala galey dadka ku nool degmada wanleweyn oo baahi u qabey in wax loogu qabtana mudnaa.
Shaqsiyaadka aan kor kusoo xusney oo ka hadley gudoomiyaha degmada wanleweyn waakan ee dhegeysta.
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada
Daafeet Media waxay uga digeysaa dhamaan dadka fara kula jira curyaaminta howlaha badbadinta ee ay jaaliyadaha kasoo jeeda degmada wanleweyn ee ku nool dunida dacaladeeda ay u fidinayaan shacabkooda iney faraha kala baxaan hadii kalana taariiq xumo aduun iyo iqaab alle ay ku madan doonaan xatooyada xoolaha loogu tala galey dadka u baahan, Sidoo kale ayaan jaaliyadahana waxaan talo ku siineynaa iney ka feejignaadaane kooxahan qaabka burcadnimo u habeysan ee magaca degmada ku dhacaya jaaliyadaha dibada.

Arinta aad ka hadleysaan waa arin aad muhiim u ah balse suaasha la is weydinaya waxey tahay degmada miyaaneyn laheyn maamul’ Shacabka u dhashey degmada ee dibada ku nool mey si toos ah ula xiriiraan degmada intey lacagtooda u dhiiban lahaayeen shaqsiyaad mise waxaan jirin xiriir toos ah oo u dhexeeya qurba joogta iyo maamulka degmada?
Maasha alaah daafeed media howsha aad umada u heysaan meeshiina kasii wada deegaankaas dhib badan uu soo maray dadkeedada waa dad iska maskiin ah oo mar walba ay rabaan in ay ka faaiideystaan kuwo wax ma garato ah ilaahey qeyr ha idinka siiyo dadka wacyi gelintooda sii laba jibaara, Dadkana hadey rabaan iney wax deegaankooda u qabtaan waxooda aygoo wata deegaanka hala tagaan hana iska daayaan aaminaada ay aaminaayaan dad aan horeyba weligood wax usoo qaban naftoodana maareyn.
Mahadsanid
Comments are closed.