Wararka inaga soo gaaraya magalada baydhaba ayaa sheegaya in maanta barqadii ay magalada soo cagadhigatey diyaarad laga leeyahay dalka itoobiya garoonka diyaaradaha ee shaati gaduud ee magalada baydhabo.
diyaaradaasi oo aan wax wafdi ah la soconin ayaa ugu dambeyn galabnimadii maanta waxaa ay shariif xasan iyo xubno ka mid ah maamulkiisa ay u qaadey dhankaas iyo wadanka itoobiya safarkan shariifka oo ahaa mid aan horey loo sii qorsheynin ayaa waxaa uu u muuqdaa mid dowlada itoobiya ay haatan dooneyso in ay ku furdaamiso siyaasada cakiran ee maamulka shariif xasan haatan wajaheyso shacabka koonfur galbeed.
Sidoo kale ayaa wararka ka imaanaya magalada baydhabo ku waramayaan in wadahadalada shariifka uu kula qaadan doono madaxda itoobiya dalkooda ay qeyb ka noqon doonaan la dagaalanka shabab iyo weliba waxa loogu yeero hiigsiga 2016.
Si kastoo loo dhigaba u yeerista shariif xasan looga yeerey dalka itoobiya ayaan waxba ka gedisneyn u yeerista ay itoobiya u yeerto guud ahaan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka.

maanta kaliya ayaad runta ka sheegtey waxa soomaaliya yaalo oo dhan aan gaar u aheeyn madaxweynaheena shariifka waayo madaxda hada joogto oo dhan way kasiman yihiin arintaan laakiin qofkii ilaahey aqli geliyo ayaa siyaasdaan ka bixi kara waxaa waa ciyaar siyaasadeet oo aan runta laga sheegeeynini oo been sheeg qof waliba leh marka aad soo dhaqaaqtana dadkaada daacad u noqo waa ninka aqliga ilahey ku maneeystey ayuubaa fulin kara maraka madaxweeynaheena aniga arintaasi ayaan ka sugayaa oo been sheeg dantaada iyo shacbigaada wax wax u dhimaayana ka ilaali taasi ayaa xaqiiqda ah saaxiibyaal
Sharif xasan iyo ithopia wax xal ah umahaayaan umada somaliyeed guud ahaan gaar ahaan goonfur galbeed sida daraadeeda illaah haloo nuqdo ale hala telesaarto
Comments are closed.