Kalfadhigii 7aad ee Baarlamaanka Dowlada Federalka oo Maanta Furmey

0
157

jawariMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kal-fadhiga toddobaad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay xafladda furitaanka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-Xanaf iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari] iyo sidoo kale wasiirro iyo xildhibaanno.

Xasan Sheekh ayaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia uga mahad-celiyay shaqadii ay soo qabteen lixdii kal-fadhi ee midkan ka horreeyay, wuxuuna intaa ku daray in shaqo fiican uu baarlamaanku qabay, haddana laga sugayo inuu dar-dar-geliyo howlihiisa shaqo.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo isna hadal kooban meesha ka sheegey ayaa sheegey in kalfadhigii maanta ay soo xaadireen 141 xildhibaan waxaa kaloo uu ka warbixiyey waxyaabihii uu baarlamaanka Soomaaliya qabtay kalfadhigii lixaad, isagoo xusay in baarlamaanka uu shaqooyin badan qabtay, balse hadda ay shaqo intaa ka badan u taallo.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xildhibaanada ka maqan fadhiyada baarlamaanka, wuxuuna digniin u diray digniin u diray xildhibaanada maqan; isagoo ugu baaqay inay kulammada kasoo qayb-galaan.