Qaramada Midoobay ayaa kordhisay muddada cunno-qabteynta hubka ee saaraan Somalia, kaddib shir Golaha Amaanka ee QM ay ku yeesheen xaruntooda magaalada New York.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa shaaciyay in muddo hal sano ah lagu kordhiyay muddada cunno-qabteynta hubka Somalia, iyadoo xilligaasna uu ku eg-yahay bisha November ee sannadka2016-ka.
Muddo kordhintan cunno-qabteynta hubka Somalia ayaa waxaa u codeeyay 14 ka mid ah waddada xubnaha ka ah golaha ammaanka, iyadoo uu ka aamusay waddada Venezuela.
Sidoo kale, xubnaha golaha amamanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay muddada shaqo u kordhiyeen guddiga kormeerka cunno-qabteynta hubka ee dalalka Somaila iyo Eritrea, iyadoo guddigu shaqeynayso illaa 15-ka December 2016-ka.
