Dhegeyso:- Masuul ka Tirsan Maamulka Shariif Xasan oo Sheegey In Gobolada Baay Iyo Bakool Loo tababarey Ciidamo Gaaraya 3600

0
235

baydhabo-Masuul sheegtey in uu ka tirsan maamulka shariif xasan oo u waramayey warbaahinta ayaa sheegey in gobolada bay iyo bakool loo tababarey ciidamo tiradoodu gaarey 3600 waxaana uu intaas raaciyey in gobolka shabeelaha hoose degmooyinkoodana loo tababari doono degmo walba 300 oo askari.

Hadalkan kasoo yeerey masuulkan ayaan ahayn mid ku cusub dhegaha shacabka kaoo jeeda koonfur galbeed taasoo in mudo ah ay ku dhex jiraan dulmi iyo dhibaatooyin aan dhamaaneyn ayagoo u kala gooshi karin degmooyinka iyo tuulooyinka.

Kol dhaweyn ayey aheyd kolkii ciidamo la sheegey iney ka tirsan yihiiin xooga dalka somaliyeed ay 5 haween ku kufsadeen wadada u dhexeysa degmada afgooye iyo deegaanka mareereey oo ilaa iyo hada aysan ka hadlin maamulka uu sheegayo in uu ka tirsan yahay.

Hadaladii masuulka waakan ee nala dhegeysta:

Xasan Xuseen maamulka shariif xasan

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xasan Xuseen maamulka shariif xasan mobil