Faahfaahin dheeri ah oo kasoo baxeysa afgambigii maanta ka dhacay magalada baydhabo ayaa la sheegayaa in uu hogaaminaayey ninka lagu magacaabo Shiine Macalin oo marna ka mid ahaan jirey maamulkii lexda gobol ka dibna ka goostey oo ku biirey maamulka 3da ee Shariif Xasan hogaaminaayo Shine ayaa waxaa howshan ku wehliya ninka asna magaciisa lagu magacaabo Nuur Maxamed Macalin Bukurow oo isna ka mid ahaan jirey maamuladii hore meesha uga jiri jirey.
Shiine Macalin ayaa waxaa uu sheegtey in uu yahay madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ee hada uu hormuudka ka yahay shariif xasan tani ayaa waxay carqalad ku noqon doontaa maamulka fadhiidka ah ee mudo sanad ku dhow fadhiyay magalada baydhaba islamarkaana aan waxba ka qaban xaalada guud ee ka jirta deegaanada uu sheeganaayo inuu madaxweyne ka yahay shariif xasan
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in shariif Xasan uu isugu yeerey dhamaan odayaasha dhaqanka ee ku sugan magalada baydhaba si uu arintaasi kagala hadlo waxaana la sheegayaa in odayaasha ay ayaga wada hadal la geli doonaan shiino iyo dadka la socda.
Wixii kaloo soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

waxaan so dhawey nayaa qiofka hogaamin kara shacabka
Comments are closed.