Qurbo joogta koonfur galbeed ayaa soo dhaweeyey hadalkii kasoo yeerey monitoring group oo ay ku cadeysey in maamulka lagu sheego koongur galbeed aanuu aheyn maamul mala guud ahaan shacbiga koonfur galbeed ayadoo sidoo kalana hoosta ka xariiqdey in maamulka hada jira ee uu madaxweynaha ka yahay shariif xasan uu yahay maamul qoyseed oo ku kooban Shariif Xasan, walaalkiis Mohamed Abdinur “Madeer” iyo wiil uu adeer u yahay isna lagu magacaabo Mohamed Abdullahi Mursal.
Sidoo kale ayaa qurbo joogta koonfur galbeed waxaa ay soo dhaweeyeen Warbixinta monitoring group ay soo saareen oo guud ahaan ka hadashey xaalada dhabta ah ee ka jirta gudaha dalka somaliya gaar ahaan mida gobolka shabeelaha hoose oo ay warbixintu xustey in dhibtaasi ay ka dambeeyaan ciidamo beeleedyo abaabulan lagana soo abaabuley magalada muqdisho ayna gadaal ka riixayaan ganacsato iyo siyaasiyiin isku beel ah.
Qurbo joogta ayaa ugu baaqey shacabka reer koonfur galbeed iyo odey dhaqameedyada fadhiya magalada baydhabo in ay ka dhiidhiyaan dhibta uu shariif xasan ku hayo dadka iyo dalka koonfur galbeed.
Qoraalkan ay soo saareen qurbo joogta ayaa sidoo kale lagu amaaney kaalin iyo ka warqabka monitor group waxa ka socda koonfur galbeed sidoo kale ayey ugu baaqeen in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheynba ay fiiro gaar ah ku eegaan maamulka gacan ku rimiska ah ee ay hogaaminayaan shariifka iyo qoyskiisa
