Xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya Githu Muigai oo Maxkamada ICJ u gudbiyey caddeyn la xiriirta muranka Bada ee kala dhexeeya Somalia

0
224

Xeer_ilaaliyaha_Guud_ee_KenyaXukuumadda Kenya ayaa u gudbisay QM caddymo la xariira muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Somalia, iyadoo xukuumada Kenya ay doonayso in murankan lagu dhameeyo qaab ka baxsan dacwad maxkamadeed.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu soo daabacay maanta oo Jimco ah ku sheegay in caddeymahan oo uu gudbiyay xeer-ilaaliyaha Qaranka Kenya, Githu Muigai ay yihiin xog la ururiyay toddobadii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Kenya ayaa sheegay in xuduudda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya aysan ahayn sharcigii xuduudda badda ee la dajiyay sanadkii 1980-kii, balse ay tahay mid taas ka duwan, isagoo warkiisa raaciyay in xuduuddooda ay tahay qaab saddex-xagal ah oo qiyaastiisu tahay 100,000-KM oo bariga xeebta dalka Kenya ku aaddan.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Kenya ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in xuduudan ay tahay mid ay heshiis kula galeen dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray sannadkii 2009-kii, taasoo ay ku doonayeen in lagu xaliyo muranka badda ee u dhexeeya labada wadan. Isagoo intaas ku daray inay arrintan oo kale ay horay u dhacday badda ay waddanka Tansaaniya la wadaagaan, sidaan oo kalena lagu xalliyay sanadihii la soo dhaafay.

Kenya ayaa doonaysa in xadka badda uu ahaado sida ay iyadu ay u doonayso in uu ahaado oo ah in calaamada xadka loo soo qalloociyo dhinaca Somalia, halka dowladda Somalia ay ku doodayso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.