Wasiirka Wasaarada Batroolka iyo Tamarta ee maamulka Shariif Xasan Saalin Xaaji Xasan Cismaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamey kulankii shaley ka dhacay magalada muqdisho ee maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federalka ku kulmeen gaar ahaan wasaaradaha maamul goboleedyada u qaabilsan arimaha Bartoolka iyo Kheyraadka iyo Wasiirka Wasaaradda Batroolka xukuunadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mukhaar Ibraahim.
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee maamulka Shariif Xasan,Saalim Xaaji Xasan Cismaan ayaa waxaa uu ku nuuxnuuxsadey in maamulka Shariif aanuu haba yaraatee laheyn nidaam maamuleed taasina ay keentey in isagoo ku sugan magalada Baydhabo howsha wasaaradiisa uu Shariifka u wakiisho walaalkiis Mohamed Abdinur “Madeer” .
Wasiir Saalim ayaa sidoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqey in hadii ay sii socdaan ku takri falka awoodeed oo ay Shariif Xasan iyo walaalkiis ku hayaan golaha wasiirada oo dhan laguba kala tegi doono.
Hadalkan wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee maamulka Shariif Xasan Saalinm Xaaji Xasan Cismaan ayaa waxaa uu imanaa ayadoo marar badan wasiiraqda kasoo jeeda gobholka Shabeelaha hoose cabasho ay ka muujiyeen qaab dhaqanka wasiirada kasoo jeeda Baay iyo Bakool iyo xafiiska Shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatan u xuub suubtay xafiis Qoyseed.
Wasiirka Batroolka iyo Tamarta maamulka Shariif Xasan oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirweynaha qeybsiga qeyraadka dalka ee ka dhacay muqdisho.

