Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Kasoo baxdey Wareegto Lagu Joojinayo Qaadiska Canshuuraha Suuqleyda

0
151

farkeetiXafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa waxaa kasoo baxdey wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 taasoo sheegeysa in la joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaaladda ammaan xumo ee dalka ka jirtay muddada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganacsatada suuqyada ayaa wasaaraddu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay 2014-kii iney bixiyaan ganacsatadu khidmad 20 doolar ah.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.