Qaramada Midoobey Qeybta Cunaqabateyta Hubka oo Warbixin Dheer Ka Sameysey Musuqmaasuqa Ka Jira Somaliya

0
157

somaliaKooxda cunno-qabteynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay kasoo saareen Somalia kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin; amniga, burcadbadeedda, dhoofinta dhuxusha, musuq-maasuqa iyo argagaxisada.

Warbixintan guddiga oo ka koobnayd 400-bog ayaa waxay guddigu ku sheegeen in baar-lamaanka Somalia uu yahay mid ku kala baxa lacag marka ay timaaddo codeyn ama mooshin, iyagoo tilmaantay in baarlamaanka Somalia uu laba garab u qaybsan yahay kuwaasoo ay ku kala sheegeen kuwo taageersan ururro lagu kala magacaabo Dam Jadiid iyo Aala-Sheekh, iyadoo mar walbana ay guushu raacdo kooxdii lacagta ugu badan bixisa/

Sidoo kale, warbixinta waxay ka hadashay dhoofinta dhuxusha iyagoo sheegay in dhoofinta dhuxusha ay hoos u dhacday sannadkan. Waxayna guddug xuseen in hoos-u-dhacan uu yimid kaddib markii Al-shabaab lagaqabsaday Baraawe bishii Oktoobar sannadkii hore.

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in musuq-maasuq baahsan uu ka jiro bixinta sharciyada ogolaanaya kalluumeysiga, iyadoo la ogaaday baa lagu yiri warbixinta in si qaldan loo siiyo ogolaashaha kalluumeysiga shirkado ajaaniib ah, kuwaasoo intooda badan ka diiwaan-gashan dalka Shiinaha.

Guddigu waxay warbixintooda ku xuseen in lacagaha laga qaado shirkadaha kalumeysiga ay si khalad ah ugu dhacaan xisaabaadyo gaar loo leeyahay oo ka furan dalka Jabuuti, halka ay ku dhici lahayd qasnada dowladda Somalia.