“Ha dilin wariyaha” waa barnaamij loogu talagalay in bulshada lagu wacyi galiyo sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen kahortagga dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysto wariyeyaasha.
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee ay ka howl-galaan suxufiyiinta.
Wariyeyaasha waxey dhibaatooyin dilal iyo hanjabaad kala kulmaan maleeeshiyada Al-shabaab, halka ciidammada dowladdu ay mararka qaar xiraan wariyeyaasha iyo xarumahooda.
Ilaa 57 Suxufi oo ay ku jiraan 11 ajaaniib ah ayaa lagu dilay Soomaaliya laga soo billaabo sanadkii 1993 ilaa dabayaaqadii 2015-kii, sida lagu qoray bogga guddiga ilaalinta suxufiyiinta ee CPJ. www.cpj.org
Sidoo kale warbixin sanadeedkii ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha ee Human rights Watch (HRW) billowgee 2015-kii ayay ugu hadashay weerrarada lagu qaado suxufiyiinta Soomaalida. Hay’addu waxey tiri “Weerraro lagu qaaday Saxaafada Soomaaliya ayaa weli ka mid ah wadammada ugu khatarta badan dunida ee wariye laga noqdo; saddex xirfadlayaal dhanka saxaafada ah, oo ay ka mid yihiin labo wariye ayaa la dilay sanadkii 2014-ka. 21-kii Juun, Yuusuf Axmed Abuukar— oo ahaa weriye u shaqeynayay Radio Mustaqbal, oo ah idaacad si gaar ah loo leeyahay kuna taalla Muqdisho, iyo Idaacada Ergo, ee tabisa arrimaha bini’aadamnimada— ayaa la dilay ka dib markii bambo ay ku qaraxday gaarigiisii. Wax ka qabasho la’aanta dilalka noocaan ah ayaa weli jira”.
https://www.hrw.org/so/world-report/2015/country-chapters/268076
https://www.hrw.org/world-report/2015/country-chapters/somalia
Cabdiqaadir Mahad Macallim (Kaskeey) oo Radiobanaadir ugu soo warrami jiray ayaa kamid ahaa suxufiyiinta naftooda waayay xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo. Allaha u naxariistee Cabdiqaadir Kaskeey ayaa lagu dilay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo 24-kii August ee sanadkii 2007-dii.
Warbaahinta Soomaaliya waxay u qaybsantaa mid ay leedahay dawladda iyo mid gaar loo leeyahay. Warbaahinta ayaana ah halka ugu badan ee ay soo gaarto dhibaatooyinka ugu badan tan iyo intii dalku burburay, dhibaatada soo gaarta ayaase kala duwan. Suxufiyiinta ayaa ah kuwa la kulma dhibaatada ugu badan xilliyada ay ku guda jiraan howlahooda shaqo, iyagoo dhibaato kala kulma maleeshiyada Al-Shabaab ama ciidanka dowladda, kuwaasoo u arka wararka iyo warbixinnadu inay yihiin kuwa iyaga ka hor imaanaya.
Haddaba waxaan si dhab ah ugu kuurgali doonnaa inta aan wadno barnaamijka “Ha dilin Wariyaha” dhibataada soo gaarta wariyaha xilliga uu shaqadiisa gudanayo. Waxaan soo qaadan doonnaa wariyeyaal la dhaawacay xilli ay ku guda jireen shaqadooda, kuwa dalka uga baxay cabsi iyo wariyayaal la dilay ehelladooda.
Barnaamijka “Ha dilin Wariyaha” ayaa noqon doonaa mid toddobaadle ah oo Sabti walba saacaddu marka ay tahay 5-ta galabnimo ay dhageystayaashu kala socon doonaan Radiobanadir Fm 103. Waxaan barnaamijka soosaari doona islamarkaana daadihin doona Wariye Cumar Xasan Khayre.
Maadaama Soomaaliya ay tahay mid kamid ah meelaha ugu halista badan ee suxufi uu ka howlgalo caalamka, sida ay sheegeen hay’adaha u doodda suxufiyiinta ayaa inta aan barnaamijka ku guda jirno waxaan ka qeyb galayaashu weydiin doonnaa, waxyaabaha sababta u ah dhibaatooyinka suxufiyiintu ay la kulmaan? Yaa dila maxaase loo dilaa? Qaabkee loo dilaa? Shacabka kaalin maka qaadan karaan sidii loo joojin lahaa dilalkaas? Qaabkeese ugu qeyb qaadan karaan? Hanjabaadda Al-Shabaab wax ma u dhimi kartaa howlaha shaqo ee wariyeyaasha? Suxufiyiinta laftoodu maxaa la gudboon si ay taxaddar u sameeyaan?
Waxaanan shaki ku jirin in dhibaatada ugu badan wariyeyaashu ay kala kulmaan Al-Shabaab oo ah cadowga koowaad ee warbaahinta, kuwaasoo u arko aamusinta warbaahintu inay tahay waddada kaliya ee ay kusii wadi karaan falalka argagixiso ee ay ka wadaan dalka. Shabaabku waxey sidoo kale rumeysan yihiin in suxufiyiintu wararka ay sheegayaan ee kadhanka ah fikradahooda ay sababi karto kacdoon shacab oo iyaga ka dhan ah. Waana taas sababta ay u beegsanayaan suxufiyiinta.
Suxufiga ayaa ah awoodda cod ee uu leeyahay shacabka, sidoo kale waa awoodda kaliya ee dhibaatooyinka shacabka haysta cod dheer ugu gudbiya bulshada caalamka, iyadoo sidaa tahay haddana suxufiyiintu waxey la kulmaan dilal, xarig, jir dil iyo dhibaatooyin kale.
Haddaba barnaamijka aan ugu magac darnay “Ha dilin wariyaha” wuxuu si dhab ah u taaban doonaa dhibaatooyinka joogtada ah ee ay la kulmaan suxufiyiinta iyo sidii xal dhab ah oo dhinaca shacabka iyo dowladduba looogu heli lahaa joojinta dhibaatooyinkaas.
Haddaba kalala soco Radio banaadir 103 Fm, barnaamijka “Ha dilin Wariyaha” oo noqon doona mid toddobaadle ah, islamarkaana billaaban doono isbuuca dambe hadduu eebbe ka raalli noqdo. Barnaamijka waxaa idin soo diyaarin doono Wariye Cumar Xasan Khayre, haddaba noqo mid qeyb ka noqda joojinta dhibaatooyinka lagu hayo suxufiyiinta.
W/Q CUMAR XASAN KHAYRE
PRODUCER AND NEWSCASTE RADIOBANADIR
REPRTER TO BAR-KULAN.COM , DAAFEET.COM ,ALLSOMALI24.ORG MEDIA
