Isbaarooleyda Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gaadiidleyda oo Dhib kala heysta

0
411

isbaaroWaxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya cabashooyinka ay qabaan gaadiidleyda ka shaqeysa gobalka Shabellaha Hoose, taasi oo ku aadan Isbaarooyinka yaalla deegaanno badan oo gobalkaasi ka mid ah.

Cabashada ugu daran ayaa hadda waxay gaadiidleydani ka qabaan wadada isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Marka ee gobalkaasi, halkaa oo ay sheegeen in ay yaallaan Isbaarooyin xad dhaaf ah oo kor u dhaafey ilaa iyo 11 isbaaro.

Jimcaale Xasan Maxamed oo ka mid ah gaadiidleydaasi oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay ay hakad geliyeen shaqadii ay dhanka Marka ku aadi jireen.

Cabashada ay qabaan gaadiidleyda gobalka Shabellaha hoose aad ayeey usii korortay maalinba maalinta ka dambeysa, mana jirto illaa iyo iminka cid wax ka qabatay cabashadooda.