Wararka laga helayo deegaanka Jannaale ee Gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya inay deegaankaas isaga baxeen Ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa, halkaasoo ahayd deegaankii lagu weeraray ciidamadii ka socday dalka Uganda ee Howlgalka AMISOM ka tirsanaa horraantii bishan September.
Guddoomiye ku xigeen Amniga ee Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Isaguna Xaqiijiyay in Al-shabaab ay si Rasmi ah ula Wareegtay Saaka la Wareegeen Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Isagoo sii hadlaya ayuu Guddoomiye ku xigeenku intaas ku daray in qabshada Al-shabaab ay Qabsanayaan deegaannada ka tisran Gobolka Shabeellada Hoose aysan ahayn awood ay leeyihiin, balse dhibaatadu ay tahay ka bixitaanka looga baxayo Deegaannada Gobolka.
Shacabka ku nool Deegaankaa Jannaale ayaa Walaac Xooggan ka muujiyay sida Xaaladda deegaankooda ay isku bedeshay, waxaana Saakay Xiran guud ahaan Xarumaha Ganacsi ee deegaankaas ku yaalla.
