Dagaal aad u culus oo ay isaga horyimaadeen kooxo xiran dareyska ciidan dowlada iyo aslahab ayaa waxaa uu maanta ka dhacay deegaanka Yaaq Bari weyne ee gobolka shabeelaha, Dagaalkani ayaa la yeeshey in ay ku dhinteen ugu yaraan 9 ka tirsan ciidiankii xirnaa dareyska dowlada isla markaana alshabab ay la wareegtey gacan ku heynta deegaanka.
Dagaalkan ayaa Qarxay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen laba saldhig oo ay deegaankaas ku lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyagoo la Wareegay saldhigyadaas.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Weerarka ku qabsadeen labo Gaadiidka Dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda Somalia, iyadoo Al-shabaab ay intaa ku dartay inay Askar nool oo ka tirsan kuwa dowladda ay gacanta ku dhigeen.
Sidoo kale, Col. Cusmaan C/llaahi oo ka tirsan saraakiisha dowladda Somalia ee ku sugan deegaanka Yaaq-bari-weyne ayaa sheegay in Weerarkii Saakay ay kaga dhinteen Toddoba ka mid ah ciidamada dowladda, shan kalena looga dhaawacay.
Guddoomiye ku Xigeenka Dhanka Ammaanka ee Gobolka Shabeellada Hoose, Cali Nuur Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa Xaqiijiyay in Al-shabaab ay saaka la wareegeen Deegaanka Yaaq-bari-weyne; kaddib markii ay Weerareen Saldhigyo ay ciidamada DF ku lahaayeen.
