Kulan Looga Hadlayey Maalgashiga Dalka Somaliya oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Imaaraadka carabka

0
122

somaliyaShir looga hadlayay maalgashiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saarey fursadaha maalgeshiga iyo horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Wasiirka Arrimaha dibadda iyo maalgeshiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Khalid Ghanim Al Ghaith.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta Khalid Ghanim Al Ghaith oo ugu horeyn kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan uu sare u qaadayo fursadaha ku aadan in maalgeshi lagu sameeyo gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ka hadlayay gaba gabadii shirka ayaa sheegay in kulanka uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay sii xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Shirka ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo ay mas’uuliyiinta labada dhinac yeesheen, kuwaasi oo la isku raacay in Imaaraadka Carabta ay ka faa’iideysan doonto fursadaha Maalgeshi ee ay Soomaaliya soo bandhigeyso.