Dhegeyso:- Xildhibaan Afaraale oo Xaqiijiyey In Ogaadeen Aysan Waxba Ku Laheyn Gobolka Bakool

3
120

afaraaleXildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada kasoo jeeda koonfur galbeed gaar ahaan gobolka bakool oo la hadlayey wariye dhul u doonaya kooxaha dhul boob ku socda ayaa waxaa dhex maray dood aad u kulul taasoo wariyaha loogu cadeeyey in deegaanka aysan shaqo ku laheyn kooxda uu u raadinaayo dhulka.

Xildhibaan afaraale ayaa sheegey in gobolka bakool uu ka kooban yahay 5 degmo oo kala ah Xudur, Rakdhure, Ceel berde, Tiyeeglow, iyo Waajid waxaa kaloo uu intaasi raciyey Aato iyo Yeed iyo kuwa kale ee la sheegey ineysan weligood degmo aheyn.

Hadaladii Xildhibaan Afaraale waakan ee nala dhegeysta.

Xildhibaan Maxamed Afaraale

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xildhibaan Maxamed Afaraale mobil

3 COMMENTS

  1. AFARAALE WUXUU DOONAYAA XOOGAA LUF LUF AH INUU KA SHAXAADO AXMED MADOOWE EE KAMA AHAN INUU DEEGAAN U DOODAAYO AMA DULMI DIIDAN YAHAY MAXAA YEELEY HADDII DULMI UU DIIDI LAHAA ISAGA IYO XAASKIISA MA WADA NOQON LAHAYN XILDHIBAANO IYAGOO KA SOO JEEDO MIRIFLE.
    TEEDA KALE RRA LOOMA SAMEYNIN INEY XUREYSO DEGAANKA DIGIL IYO MIRIFLE EE WAXEY AHAYEEN HOR-DAREERKII CIIDAMADII XABASHIDA WADA TUSAAYEEN SI AY ERITREA IYO OROMO UGA SAARAAN BAAY IYO BAKOOL.
    TAN SEDAXAAD YUU AHAA AFARAALE GEEKII MARIIDI ? HADDII LA BAARO AR AMUU NOQDAA ABSAME OO RIWAAYAD IDIN SAMEYNAAYO?

  2. Afaraale waa wadani la ogyahay adiga ayaa caado qaate layaqaano ah oo walaashiina Odaagen iyo Majeerteen ay qabaan oo uloleeysa labada reer ay udhaxdey iyadoo DM sheeganeyso. Adigana ninkii walaasha guursadey adiguu ku sigey ee af lagaadada ka daa mas uulka DM la yaqaano oo har iyo habeen utaagan in badana u qabtey in aadan u qaban shcabka DM. Hadaad Xildhibaan rabto CVga soo gudbi adiga iyo walaashaaba waa la idin siin hadaad u qalantaan

  3. geesiga runta sheegaa waa in la garab istaagaa. Amiin Jeesow iyo Afaraale amaan bey mudan yihiin abaalkooda Alaah unbaa gudi karo. Bani aadam abaal ma gudo kan uGu fiican ayaa sheeg sheega abaalka balse waajib qaran bey guteen inta kalena sidoo kale ayaa ka rajeeyneynaa hadeyna Madiaha ka hadli Karin waa iney garab siiyaan xaqa iyo runta waana waajib ay ka sugayaan umada ay matalaan.

Comments are closed.